dufan dhowr
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dufan dhowr
-ka: (n) apron (eypran); pinafore (pinafc -r) ~ Ex: waxay xiratay dufan-dhawr cad markay wax karinaysay; she wore a white apron while she was cooking
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufandhawr
m.l (-rro, m.dh) Maro ama wax kale oo la gashado si dufanka iyo wixi lamida laysaga ilaaliyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dufandhawr
m. n. apron; something that protects one from grease, oil, etc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dufandhawr
de: apron; s.t. that protects one from grease, oil, etc.
lx: dufandhawr
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dufandhawr
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
apron
/eypran/aprons; (n) dufan-dhowr (maro dharka laga dul xirto markii wax la karinayo ama la shaqaynayo). e.g. She wore a white apron while she was cooking.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fayadhowr
m. n., [compound] hygiene, health care; good health (including sanity)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fayadhowr
de: hygiene, health care; good health (including sanity)
lx: fayadhowr
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: fayadhowr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayodhowr
m.l (daawo) Cilmiga caafimaadka iyo aqoonta ilaalinta caafimaadka gaar ahaan horumarinta nadaafadda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fayodhowr
m.l (daaw.) Cilmiga caafimaadka iyo aqoonta ilaalinta caafimaadka gaar ahaan horumarinta nadaafadda.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deegaan-dhowre
-ha: (n) environmentalist
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bar dhow
Near point
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DUFANOOD
(Dufanoud) N,C Cleome brachycarpa DC. Capparidaceae.
May Commiphora oddurensis Chiov. Burseraceae.
N Cleome hanburyana Penzig. Capparidaceae.
S Pavonia kotschyi Gebb. Malvaceae.
C,S Pavonia eremogeiton Ulbr. Malvaceae.
S Pavonia burchellii (DC.) R.A.Dyer. Malvaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dufantir
-ka: (n) napkin (naap-kin); sanitary napkin; tissue (tishuu) ~ aftir
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gun down
/gan-dhawn/ (v) xabbadayn, toogasho. e.g. The robbers gunned down the villagers.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gundhawr
(Gundhawr-ka)
Gaashaanka bartankiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhawr
m.l 1. Bartamaha gaashaanka. 2. Xoogaa masaggo ah oo lagu reebo mooyaha marka wax lagu tumayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gundhawr
m. n. center ~ boss of a shield
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhawr
-ka: (magac, lab, keli) gaashaanka badhtankiisa ama xudduntiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gundhawr
cf: gaashaan, bartan
de: center ~ boss of a shield
lx: gundhawr
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gundhawr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandhow
u.j la-mid: maandhe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mar dhow
adv., time: soon, in a while
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaandhow
qaandhow¹: m.l la-mid: qaandhaw¹, qaandhebid.
qaandhow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: qaandhaw².
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Waadhowr
name-m dawn-waiter. Lit: he who born at dawn
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandheer
f. n., [compound] strong camel of the herd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandheer
-ta: (magacwadareed) magta dhagarta lagu baxsho, geela inta aan lammaanayn oo aan rimmanayn ee galoofta ah. Waxa middii ba loo xisaabiyaa sagaal ama lix laxaad. Li: uurrey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandheer
de: strong camel of the herd
lx: daandheer
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: daandheer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dufan leh
(adj) greasy (giriisi). Ex: gacmo dufan leh; greasy hands
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufantiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Dufan iska tirid (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dufantiro
v., [compound] clean grease off; wipe one's mouth clean
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufantiro
(fal) dufan iska masax; afmarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dufantiro
de: clean grease off; wipe one's mouth clean
lx: dufantiro
nt: dufantiryo (/da) [vn6-f]
pd: (dufantirtay)
ps: v3b=cmp
key: dufantiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanadheer
m.dh Koor aan afrog ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayadhawr
m.l (daawo) Qayb ka mid ah cilmiga dhakhtarnimo oo lagu barto ka hortagga cudurrada. la-mid: fayodhow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fayadhawr
m.l (daaw.) Qayb ka mid ah cilmiga dhakhtarnimo oo lagu barto ka hortagga cudurrada. la-mid: fayodhow.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fayadhawr
-ka: (n) sanitation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayadhawr
-ka: (magac, lab, keli) nadaafadda jidhka iyo degaanka oo la ilaaliyo. Fayadhawrku caafimaadka waa ka kow. Dh: nadaafad.
fayadhawr -ka: (magac, lab, keli) duubka yar ee cudbiga ah ee ay dumarku adeegsadaan kolka ay caadada helaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayodhawr
-ka: (magac, lab, keli) eeg fayadhawr.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
TAN DHEER
Tonnellata
Long ton
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
turn down
/tern dhawn/ (v) (adv) 1. khafiifin (debcin) (v) (adv) 2. diidid (qaadicid).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DUBAN-DUUR
(Duban-dur) N Lasiurus scindicus Henr. Gramineae.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
duug, dhar
مُسْتَعْمَل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duumadhawr
(Duumadhawr-ta)
1. Dadka cudurka duumada ah la dagaallama.
2. Gabar u joogta, haddii walaasheeda la qabaa dhimato, in iyada xiskiisan loo bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duumadhawr
duumadhawr¹: m.l.kh D. ah: qof sugaya dhimashada qof uu dhaxalkiisa leeyahay.
duumadhawr²: m.dh 1. Gabar yar, oo aan weli qaan gaarin oo xigsiisan loo siiyay nin walaasheed ka dhimatay. 2. Koox caafimaad ah oo la dagaallanta cudurka kaneecada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duumadhawr
f. n. anti-malaria epidemic team
duumadhawr [feminine] n., [compound] sister-in-law, wife's younger sister
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duumadhawr
-ka: (magac, lab, keli) daawada lagaga hortago duumada. Dh: kahortag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iska dhawr
v. look out!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhididdhowr
-ka: (n) antiperspirant (an ti-peres-paran t)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayaan dhowayd
the other day